Golaha Wasiirada ee uu maanta ku dhawaaqay madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka kooban 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen ayaa 15 wasiir iyo 4 wasiir-ku-xigeen ka mid ahi ay isku beel qudha oo ka mid ah beelaha Somaliland ay ka soo jeedaan, iyadoo 6 wasiir ay ka soo jeedaan beesha Sacad Muuse ee Habar Awal.

Wasiiradaas oo beesha Harti oo ka mid ah beelaha ugu waaweyn Somaliland aan la siin wasiiradii ugu muhiimsanaa ee afarta ahaa ayaa waxa beesha Dhulbahante la siiyey 2 wasiir iyo wasiir ku-xigeen, meesha aan beesha Warsangeli aanba la siin wax wasiir ah, marka laga reebo wasiirka gaashaandhiga oo ka soo jeeda beel ay bahwadaag yihiin oo ah Ugaaslabe.

Haddaba hadalka madaxweyne Siilaanyo ee ahaa inuu gogol u dhigayo hogaamiyayaasha SSC iyo Garaaddada ayaa looga fadhiyaa inuu hirgeliyo, si uu u saxo habka wax u socdaan, oo loo qanciyo dhammaan beelaha oo dhan ee aan la qancin beel gaar ah.

Sidoo kale 4-ta iyo labada ku-xigeenada wasiirada ah ee  loo magacaabay beesha Garxajis ayaa iyana ah mid aan laga filayn Siilaanyo. Waxaa lifilayey inuu soo dhoweeyo beelaha oo dhan. Dhammaan beesha Garxajis waxaa ka wasiiro badan beesha Sacad Muuse oo qudha. Sidoo kale beesha Habarjeclo ayaa loo magacaabay 3 wasiir iyo wasiir-ku-xigeen, iyadoo madaxweynuhu yahay isla beeshaas,taasoo aan ahayn tallaabo laga filayey.

Waxaa iyana la siiyey golaha wasiirada beesha Ciise hal xubin, iyadoo ilaa hada aan ognahay in beesha Samaroon ama Gadabiirsay labal wasiir iyo wasiir-ku-xigeen, taasoo ah mid aan la filayn.

2 wasiir ee beesha Dhulbahante oo kala ah C/risaaq Khaliif Dawdar oo ka mid ah mulkiilayaasha xawaalada Amal.

Waxaa isna la magacaabay C/Risaaq Cataash oo ka mid ahaa qurba joogta Soomaaliyeed ee wadanka Denmark iyo UK. Waxaa sidoo kale magacaabay Cismaan Garaad Soofe oo ay walaalo yihiin  Garaadka reer Buuhoodle ee beesha Axmed Garaad/ Faarax Garaad.

 

Golaha wasiirada ee cusub ayaa u qoran sidan hoose iyo beelaha ay ka soo jeedaan.

1. Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar: , Sacad Muse Jibriil Abokor

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha: Dr Maxamed Cabdi Gaboose  Habaryoonis, Muuse Care Damal Muuse

3. Wasaaradda Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi : Sacad Muuse Reer Gadiid

4.  Wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka xuseen axmed caydiid: ARAB

5.  Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare  Samsam Cabdi Aadan : Sacad Muuse Reer Axmed

6. Wasaarada qorsheynta qaranka iyo horumarinta Dr. Sacad Cali Shire Ciise Muuse, Maxamed Ciise

7. Wasaarada caafimaadka Dr.Xuseen Muxumed Maxamed:  Ciidagale Abokor Muuse

8.Wasaarada gaashaandhiga  Axmed Xaaji Cali Cadami   Ugaaslabe

9. Wasaarada ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska  Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Dhulbahante

10. Wasaarada xanaanada xoolaha, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Dr. Axmed Xaashi Odey  Sacad Muuse,

11. Wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed: Dhulbahante

12. Wasaarada cadaalada iyo garsoorka Prof. Ismaciil Muumin Aar, Samaroon:

13. Wasaarada diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Claahi Axmed ARAB

14. Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac Habarjeclo

15. Wasaarada kaluumeysiga , khayraadka bada iyo maamulka dekadaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, Habaryoonis Muse Cabdalle

16. Wasaarada macdanta, biyaha iyo tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale Habarjeclo

17. Wasaarada ciyaaraha, dhaliyarada iyo dhaqanka Maxamed Xashi Madar: Ciise

18. Wasaarada beeraha Prof. Faarax Cilmi Mahamoud : Samaroon,

19. Wasaarada warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan Ina Geel Jire, Habaryoonis, Isaxaaq,Qaasin

20. Wasaarada Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi : Habarjeclo

21. Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare Cali Xaamud Jibriil: Samaroon

22. Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha dibada Maxamed yoonis Cawaale : ARAB

23. Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Cismaan Garaad soofe :Dhulbahante

24. Wasiir ku xigeenka wasaaarada hawlaha guud iyo gaadiidka Cali Cabdi Saa'iq :Tumaal

25. Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada warsame Siciid Cabdi : Habaryoonis Muuse Ismaciil (Gadhweyn)

26. Wasiir ku xigeenka wasaarad caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan : Habaryooni Ba'dhulbahante

 

Bahda warbaahinta Dharkayn.