Waraysigii U Horeeyay Ee Aan Madaxweyne Siilaanyo Layeesho


 

(Maya maya adeer dhaartii horteed ayey sii qornaayeen wasiiradu)

                                                        

Markii lasoo saaray liiska wasiirada ee soomaliland ayaan tagay guriga madaxtooyada soomaliland halkaas oo aan hortaba kula kulmay xoghayaha gaarka ah ee madaxwayne Siilaanyo kadibna waxan siiyay waxoogaa landta ah (Lacagta SL) inkasta oo uu isagu Dollar rabay lakiin ma aan hayn Dollar wuuna aqbala lacagtii landta ahayd, dabadeedna waxa uu ii ogalaaday in aan madaxwayne Siilaanyo Waraysto.

 

Waraysigii aan layeeshay Siilaanyana Sidan buu udhacay.

 

Sigad: Salaamu Calaykum Madaxwayne

 

Siilaanyo: Calaykuma Salaam adeer kumaad ahayd?

 

Sigad:  Mudane Madaxwayne magacayga waxa layidhaa sigad

            Waxanan ka socdaa saxaafada sir raadiska ah.

 

Siilaanyo: Adeer soo fadhiiso sigadow sirtaad iga doonayso garanmaayo ee anigu imikaaban xilka qabtoo wali

                 Warbadan ma hayee.

                 

 

Sigad: Mudane Maxdwayne side u aragta saaluuga aya beelaha dhulbahante ka muujiyaan gollaha waasiirada aada magacowdaye  Mise Kala taashataye Waxgaradka dhulbahante  Mise ku qancidoona iyaga iyo Araab inaye Waasiir wad qataan ?

 

Siilaanyno: Adeer Horta Dhulbahante aan arkaye ma jiiro  ee waxay ka mid yihin dadka aan madxwaynaha u ahaye waan shacabkayga  Marka Waxan 100%  ku kalsoonahaye inaye qadanaye sababo jira awgood  marka suaasha inta ban kaga hadhaye adeer !!

 

Sigad: Madaweyne sideed u aragtaa ololaha uu ugu jiro mr. Dhimbil in ay Dharkayn Geenyo oo kamid ah degmooyinka ugu waaweyn gobolka Sool ay noqoto degmo.

 

Siilaanyo: Waa isoo gaaray warkaa, waxaana hordhigayaa xukuumadda in ay degmo noqoto Dharakayn Geenyo.

 

Sigad: Mudane madaxwayne sirta maanta saxaafada sir raadiku rabto

             Inay kaa waraysato waxay ku saabsantahay golaha wasiirada

              Cusub ee aad magacawday markaa raali ma katahay in aan

              Su,aalo kaa waydiino?

 

 

Siilaanyo: Ma intaa uunbaa, haa adeer waxaas anu sirba uma arkee

                 Maxaad u baahantahay oo aan kuu sheegaa?

 

 Sigad :      Mudane madaxwayne marka hore wasiiradaada

                  Ma intaanad dhaaran ayaad sii xulatay mise dhaartii

                  Dabadeed?

 

Siilaanyo: Maya maya adeer dhaartii horteed ayey sii qornaayeen wasiiradu

                    ilayn Waan ogaa in cadaalad la igu dhaarinayee waan kasii

                  Tashaday

                   .

 

Sigad:   Maxaad kasii tashatay madaxwayne?

 

 

Siilaanyo: dee taasi waa sir adeer kuu sheegi kari maayo.

 

 

Sigad: Madaxwayne waxan ka socdaa saxaafada sir raadiska

           Ee waxba maha oo waad ii sheegi kartaaye maxaad ka

            Tashatay?

 

Siilaanyo: Waxan ka tashaday adeer samaynta wasiirada, oo intii aan

                   Cadaalada la igu dhaarin ayaan sii magacaabay ilayn hadaan cadaalad

                  Wax u dhiso beelaha Isaaq ayuu saamigu ku yaraane

 

Sigad: Ok Mudane madaxwayne waxad horay u sheegatay in aad dawlad

                Kooban oo dad tayo lihi ku jiraan aad soo magacaabi doonto

                 Markaa sideed u soo xushay hadaad cadaaladaba ka degdegtay oo

                 Aanad cadaalad wax ku soo xulin?

 

Siilaanyo: Adeer dariiqa aan u maray soo xulista wasiiradu ma

                  ahayn mid adag oo ugu  horaynba xoghayayga ayaan

                  Ku dardaaray in markuu shan jeer soo daayo oo uu ugolaado

                 Galitaanka qolkii hutelka ee aan markaa deganaa 7 ruux oo  isaaqa

                 Inuu marlixaadka u ogolaado in uu soo raaco hal qof oo

                 Reeraha darifyada ahi, hadaba markuu soodaayo shanta Isaaqa ah

                  Sadex ama labo ayaan ka qaadanayey marka aw soo raaco halruux

                  Oo reeraha kale ahina waan ku darayey’

 

Sigad:   Reerkii madaxtinimada hayey ee reer Awdal waxad siisay laba

            Wasiir markaa sirta arinkaa ka dambaysa ma noo ssheegi kartaa?

 

 

Siilaanyo:  (Qoso yar) nimankaa cadaaladiibaan iyaga u dhiibay ee iyagu

                    Wax ha ku qaybiyaan cadalada anigu cadaalada

                     horteed ayaan  wax qabiyee.

 

Sigad: Sacad Muuse waad utuushay oo waliba isaaqii ayaad ugu saraysiisee

                 maxaad uga jeedaa?

            

 

Siilaanyo   :Adeer wax kale maahee waxan uga jeedaa in aan hargeysa bilaa buuq

                 Ku fadhiyo ayaan rabaa oo iyaga iyo arabkaba waan iska laaluushay oo

                Arabkana intaan gudabuursi iyo dhulmahante siiyay ayaan idin siiyay baan

                 Ku idhi ilayn waa shifto oo dariiqyada ayay taayiro ku gubayaan hadaanan

                Sadfiican siine:

 

Sigad: Ok madaxwayne laakiin reer Awdal way cabanayaan durbee maxaad ka

                Yeelaysaa?

 

Siilaanyo: Adeer nimankaa gudabuursi sadex jeer ayaan saamaxay

                  Waxayna sadexdaa jeer kala ahaayeen

1)     markay Snm la dagaalameen

2)     markay doorashadii hore iga heleen

3)     iyo markan u dambaysa oo ay iga footeeyee.

 

                  Markaa saamaxadu  ha ku filaato nimankaasi oo

                  Eeda ha joojaan

 

Sigad: Madaxwayne maxaad ka yeelaysaa arinkii ceelbardaale

            Ee aan wali xal loo helin

 

Siilaanyo: Hada kuu sheegi maayo cida loo xakumayo

                  laakiin wasiirka cadaalada ayey durba

                 waraaqihii go,aanku ku qornaa horyaalaan oo

                   sexeexiisa lasugayaa.

 

Sigad: Mudane madaxwayne wax kale ma soo wadaa?

 

Siilaanyo: Adeer maya hada ma soo wado laakiin haday duriyadu

                   Iga dalbato labada xun iyo halka wasiir reerkii

                    Cawda ee reer sheikh isaxaaqa waan iskaga tuuri.

 

Sigad:    Dadka kale haday cawdaanse?

 

 

Siilaanyo:    Intaan cadaaladii dhaarta ka

                 Horaysay sii yay ha ku filaato reeraha kale, maxaa I dedejiyay

                Maan markii dhaarta sugo hadaan wax kale u ogolahay

 

Sigad: Madaxweyne sawirkii Rayaale ayaa wali dushaada sudhan

            Markaa maxaad uga jeedaa oo aad iskaga qaadi wayday?

 

Siilaanyo: Adeer aaway yar baan kayga sidh oo iga saar ninkan sawirkiisa

                   Ku idhi oo inuu qaadaaban moodayay oo kan kaygiibaaban moodayee

                 Indhaha ayanan sifiican sawirada iyo waxyaalaha nuucaaya ugu arag

                Waar yarkii mee? kaalay naga saraar waxan oo kaayaga noo saar

 

Sigad:        Mudane Madaxwayne aad ayaad ugu mahadsantahay waraysiga aad

                  Aad saxaafada sir raadiska ah siisay

 

Siilaanyo: Adeer adaa mudane ma reer oodwaynaad ahayd mise

                   Mise axmed farax ayaad ahayd?

 

Sigad:   Maya adeer Reer Awdal ayaan ahay

 

Siilaanyo: Reer Awdalaa? Adeer kalay kalay Agaasime ma dooni?

 

Sigad:  mmm I don’t    laakiin imisa ayay mishahar qaataan

            Agaasimayawgu?

 

Siilaanyo: Adiga bacda dhaartii cadaalada ayaan ku magacaabayaa

                Hadaan kusiiyo jagada oo kolay waxyar baad qaadan laakiin

                 Meel dhac dhac badan baan ku geyn

 

Sigad:  Oo Sawdigii yidhi reer Awdal wax dambe ma siinayo maxaa

           Ku badaley?

 

Siilaanyo: Markaan sidaa ku lagaa Axmed Farax ama reer Oodweyne

                 Ayaan kumoodayay ee hada ma qaadatay jagada?

 

Sigad:   Waan kasoo fikiri

 

Siilaanyo: Adeer Hadaba mid ma kaa codsadaa?

 

Sigad:   Haa madaxweyne

 

Siilaanyo: Reer Awdal ha u sheegin in aan dfhaarta ka hor

                 Wasiirada diyaarsaday

 

Sigad: sabab?

 

Siilaanyo: Markalaan Kuu Sheegi

 

 

Sigad: waayahay madaxwayne waad mahadsantahay

 

Siilaanyo: Adaa mudan:

 

Siilaanyo oo isla hadlaya ayaa anoo sii baxaya aan ka maqlayay erayadan guuxa ah  ee hoos ku qoran

 

mmmm cidwalba wayn noo soo deynayaanmmmmmm

 

 Waraysi qaade Cabdale Farah Sigad