Afayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo goor dhow saxafiyiinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii ka dhacay deegaanada Puntland. Waxa uu sheegay dagaaladaasi in ay ahaayeen kuwo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo waliba dadka deegaanka oo ka biya diiday gabood falka P.I.S-ta ee la dagalanka argagixisada waa sida uu hadlka u dhigay.
Afyeenka Al-Shabaab ayaa waxa uu meesha ka saaray in ay ku lugleeyihiin dagaalka ka dhacay Puntland, asgoona sheegay in saxaafadu ay buunbuunisay, una dhigeen hadalka in ay Al-Shabaab ay ku jiraan dagaalada Puntaland.
Sheekh Cali Dheere ayaa waxa uu ku cel celiyay in dagaalkaasi uu ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada P.I.S iyo waliba dadka deegaanka.oo aygu ah kuwo dhiban oo ay dhibaato ku haayaan ciidamadaasi.
Afayeenku waxa uu sidoo kale uu soo hadl qaaday dagaalo horay uga dhacay Puntland sida; degmada Buuhoodle waxa uu sheegay in dhammaanba dagaaladaasi aysan wax lug ah aysan ku lahayn Xarakada Al-Shabaab.
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab ayaa waxa uu saxaafada ku eedeeyay in ay wararkaasi si aad ah u buun buunisay waxa uuna ugu baaqay saxafiyiinta in ay ka fiirsadaan arimahaas oo kale.
kuwa dhahaayo Puntland waxaa ku dagalamay Al shabaab iyo Ciidamada Puntland ha ogaadaano warkaasi in uusan sax aheyn “ayuu yiri Afhayeenka xarakada alshabaab Sheekh Cali maxamuud Raage ”
Hadalka Afyeenka ayaa waxa uu ku soo adaayaa iyadoo dhowaan ay Puntland ka dhaceen dagaalo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo waliba wadaadka Sh.Maxamed Saciid Atam.
Bahda Warbaahinta Dharkayn