Dagaalkii Saaka ka bilowday tuulada Karin oo 40-Km u jirta Magaalada Boosaaso ee Caasimada ganacsiga ee Puntland ayaa goordhawayd oo Duhurkii kadib ah sii kululaaday kadib markii Gurmad aan kala joogsi & kala harsi lahayn ay Dawlada Puntland ciidamadeeda kaladuwan halkaas ku tageen.

Dagaalkan oo saaka bilowday markii Ciidamo daacad u ah Wadaadka taageersan Kooxda Alshabaab ee Buuraha bari ku dhuumaalaysanaya oo lagu magacaabo Sheekh Atam ay saaka Waaberigii Dagaal ku ekeeyeen ciidamo katirsan kuwa Puntland oo halkaas fariisin kulahaa,waxaana ay markii hore la wareegeen goobtii dagaalka iyagoo dilay Dhowr kamid ah ciidamada Puntland ee halkaas joogay.

Balse Ciidamo katirsan Kuwa Puntland gaar ahaan Kuwa Adeegsa Sirdoonka Puntland ee Hubaysan oo lagu magacaabo PIS-ta,Daraawiish & Birmad ayaa saaka isla aroor horeba halkaas gaaray,waxaana ay galeen dagaal aad u culus oo ay lagaleen Kooxdii goobta la wareegtay oo gaaraysay 50-Nin oo aad u hubaysan,kuwaas oo ay Ciidamada Puntland ku guulaysteen inay goobta lawareegaan islamarkaasna ay baacsadaan Kooxdii dagaalkan soo qaaday.

Taliye Sare oo katirsan Ciidanka Daraawiishta ee Puntland oo APL lahadlay isagoo kusugtan Goobta dagaalka ayaa sheegey in 7-kamid ah Daraawiishta oo ah iskudarka kuwii saaka Aroor hore dhintay & kuwii Barqadii dagaalkii ahaa ku dhintay ay halkaas uga geeroodeen ciidankiisa,waxaana uu sheegey in midkamid ah Birmadka Puntland uu isna geerooday halka uu askari kale oo katirsan PIS-ta Puntland uu dhaawac fududi soo gaaray,waxaana uu sheegey in ay kulaalayaan Buurta Galgala.

Waxaa sidoo kale Isbitaalka weyn ee Boosaaso la geeyey Meydadka in kabadan 5-Ruux oo kamid ah kooxdii dagaalkan soo qaaday,iyadoo ay dawlada Puntland sheegtay inay gacanta ku hayaan Hogaamiyeyaal sar sare oo qaarkood ajinabi ay yihiin oo dagaalkii maanta ku jiray,mana jirto wax war ah oo kasoo baxay kooxdii dagaalkan soo qaaday.