Xeer ilaalayaha guud ee Puntland ayaa maanta xilalkoodii ka xayuubiyay ilaa sedax xildhibaan oo ka tirsanaa barlamanka Puntland kadib markii lagu eedeeyay inay xariir la lahaayeen Jabhadda SSC.

Kaddib markii golaha wakiilada Puntland ay ka doodeen dacwad ay u soo gudbiyeen golaha wasiirada Puntland oo ku aadaneyd eedeyn loo soo jeediyay xubnaha Xildhibaanada barlamanka Puntland oo lagu eedeeyay inay xiriir hoose la lahaayeen Jabahadda SSC oo dagaal kula jirta maamulka Somaliland ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Puntland waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay seddexdaas xildhibaan.

Xildhibaanada Xil ka qaadista lagu sameeyay oo kala ahaa Ibraahim Max’ed Guure, Abshir C/casiis Sheekh Iyo Cumar Jaamac Suleymaan ayaa xeer ilaaliayaha guud waxaa uu sheegay in golaha wakiilada Puntland ay dacwad ka soo gudbiyeen xildhibaanadaan, islamarkaana lagala noqday kalsoonidii ay u hayeen shacabka Puntland kaddib markii ay ku kaceen sida uu sheegay qiyaano iyo musuq maasuq wax u dhimaya deggenaashaha deegaanada Puntland.

Seddexda xildhibaan ee xilalka laga qaaday oo iyaguna la hadlay Saxaafadda ayaa waxaa ay sheegeen in aysan waxba ka jirin dambiyada lagu soo eedeeyay, hase ahaatee ay ku qanacsanyihiin xil ka qaadista lagu sameeyay iyagoona sheegay inay la shaqeyn doonaan maamulka Puntland.

 

Bahda Warbaahinta Dharkayn