Xiisad ayaa la sheegay inay ka soo cusboonaatay deegaanka Ceel-bardaale oo u dhexeeya Degmooyinka Dilla iyo Gabiley, taasoo inta la ogyahay lagu dhaawacay hal qof.
Sida la sheegay arrintan ayaa dhacday markii koox dablay ahi ay weerartay qoys deganaa deegaankaasi oo ka soo jeeda gobolka Awdal , kadibna uu halkaasi dagaal dhexmaray raggii qoyskaasi ka agdhawaa iyo dablaydii halkaasoo uu ku dhawacmay Maxamed Barkhad Aadan oo xalay fiidkii la geeyey cisbitaalka Boorama.
Ninkan Dhaawaca ah oo ka waramay sida ay wax u dhaceen, ayaa sheegay inay abaara 11 kii aroornimo ee shalay ay soo weerareen dablaydu, iyaga oo deganaa goobata la yidhaa Gubba oo deegaankaa ka tirsan balse ay u jilib dhigeen dablaydaasi, muuse sheegin wax khasaare ah oo kale inay goobtaa ka dhaceen.
Maaha markii ugu horaysay ee xiisadi ka soo cusboonaato deegaankaa oo mudaba ay xiisad ka taagnayd balse tani waxay u egtahay in lagu soo beegay xiliga kala guurka labada xukuumadood ee isbedelaya, xaaladana waxa sii xumaynaya iyadoo la sheegay inay xukuumddu ka qaadayhalkaasi ciidankii ku kala dhex jiray.
Sanad ka hor 11 Jul 2009 ayey Xukuumada wakhtigeedu dhamaanayaa soo saartay Go’aano ku wajahan dagaalada Deegaanda Ceelbardaale, kadib markii ay Golaha xukuumada Fadhi ka yeeshaan maanta colaadan ka soo cusboonaatay Deeganada Ceelbardaal.
Qodobada ay Xukuumadu kasoo saartay Dagalkaasi ayaa u dhignaa Sidan:-