Wargayska ugu afka dheer wadankan Norway ee Aftenposten ayaa waxaa ku soo baxay in Qaadku uu dawo u yahay cudurka kansarka. Jaamacad kutaala wadankan Norway ee magaalada Bergen(University Bergen) ayaa baaritaan dheer kaddib heshay in Qaadka/jaadka uu dawo u yahay cudurka kansarka ee dhiigga ku dhaca. "Dhecaanka qaadku waxa uu awood u leeyahay in uu burburiyo unugyada kansarka" ayuu yiri asaga ku faraxsan in uu helay daawo dadka soomaalida aysan afka ka qaadin. Waxa ay sheegeen in qaadku ay weli baaritaan ku hayaan, ayna u malaynayaan in uu qaadku dawo badan leeyahay ayna muhiim tahay in lasii baaro. "Waxaan rajaynayaa in qaadku dawo u noqdo cudurka kansarka guud ahaan" ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Waxaa soo bandhigay arrinkakan bare sare Therese Bredholt oo wax ka dhigta jaamacaddan ku taal magaalada Bergen ee Norway. Iyada oo hadalkeedii sii wadata ayey ku boorisay in baaritaan xoog leh lagu sii sameeyo qaadkan dabiiciga ah. "Waa dawo, waa in dowladda xoogga saartaa" ayey trir.
Halkan ka akhriso warkii oo noorwiiji ah. Qaadku waxa uu dawo u yahay cudurro kale oo badan.
Bahda warbaahinta Dharkayn.